Munaasabad lagusoo Bandhigayey dad la sheegay in ay yihiin maxaabiis ka tirsan Xarakada Al-shabaab ayna goobjoog ka ahaayeen Masuuliyiinta Maamulka Galmudug ayaa Maanta ka dhacday Magaalada Gaalkacyo.
Goobta lagusoo bandhigayey tirada maxaabiista ah ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug,Maamulka Gobolka iyo kan degmada Gaalkacyo,waxaana xubnihii halkaa ka hadlay ay sheegeen in ay dadkaan kasoo qabteen deegaanadii Maalmihii dambe ay ku dagaalamayeen Ciidanka Alshabaab iyo kuwa Maamulka galmudug.
Dadkan lasoo bandhigay ayaa tira ahaan kor u dhaafaya labaatan ruux oo la sheegay in gacanta ay ku dhigeen ciidanka Maamulka Galmudug islamarkaana lagu qabtay deegaanka Towfiiq iyo deegaanno kale oo hoosyimaada.
Cabdirashiid Xaashi Cartan Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug ayaa waxaa uu sheegay xilli uu halkaa hadal ka jeediyey in loo baahanyahay in shacabku ay la shaqeeyaan Ciidamada Ammaanka si buu yiri ay ugu fududaato in ay gacanta kusoo dhigaan Al-shabaabka iyagu hadda weerarka kusoo qaaday deegaanada Maamulkaasi kadib markii deegaanada Maamulka Puntland ay kasoo Saareen ciidanka Maamulkaasi.






