Wararka Saaka nagasoo gaaraya deegaanada hoostaga Maamulka Galmudug ee Gobolka Mudug ayaa kusoo Waramaya in xaalka deegaanadii uu dagaalku ka dhacay uu dagganyihiin.
Wararku waxaa ay intaa ku darayaan in Xaalku uu dagganyahay waloow wali ay ishorfadhiyaan Ciidamadii kala taabacsanaa maamulka Galmudug iyo Xarakada Al-shabaab oo iyagu shalay ilaa dorraad ka soconayey deegaanadaasi.
Deegaanada ay dagaaladu kasocdaan wararka laga helayo ayaa sheegaya in wali xaaladda aan la saadaalinkarin Maadaama ay ciidankii is hor fadhiyaan.
Saraakiisha Maamulka Galmudug State ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay ka hortagaan Xarakada Al-shabaab Ciidmada ka tirsan ee Weerarka ku qaaday deegaanadooda.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug C.kariin Xuseen Guuleed ayaa ugu baaqay Shacabka iyo qaybaha Kala duwan ee bulshada ee ku nool deegaanada Maamulkaasi in ay ku gacansiiyaan la dagaallanka Xarakada Al-shabaab.

