Sida uu Idaacada Simba uu u Xaqiijiyey Gudoomiyaha Degmada Qoryooley Mudane Maxamed Xaaji Cismaan Gaagaale,9-ruux ayaa Oon iyo Haraad ugu Geeryootay Deegaano Hosyimaada Degmada Qoryooley ee Gobalka Shabeelada Hoose.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in dadka Oonka u geeryooday ka la ahaayeen 7-caruur ah iyo 2-ruux oo Waayeel ahaa kuwaasi oo ku sugnaa Degaanada ay Saameeyeen Abaarta iyo Biya la’aanta is biirsaday ee Gobalkaasi ka jira.
Biya la’aanta ka jirta deegaannada ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa sababta ugu weyn ay tahay Markii uu guray Wabiga Shabeelle oo marijiray qeybo ka mid h Gobolkaasi waxaana hadda Deegaanada Wabigu ka guray dadkii ku noolaa oo iyagu wabiga isticmaalijiray biyihiisa in xaalad adag ay ku jiraan.
Maxamed Xaaji Cismaan Guddoomiyaha Degmada Qoryooleey oo sii hadlayay sayaa sheegay in Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha Samafalka ay ku Warhgaliyeen dhibaatada Abaarta iyo Biyo la’aanta ee ka jirta qeybo ka mid ah Gobolka SHabeelaha Hoose gaar ahaan Deegaanada Hoosyimadaada Degmada Qoryooleey.
Dad badan oo ku Nool Deegaano ka tirsan Gobalka Shabeelada Hoose ayaa xaalada ay Adeg hada Ku jira waxaan meelaha laga Dayrinayo ka mid ah Deegaanda ku tiirsanaa Biyaha Wabiga Shabeelle oo guray

