Magaalada Cadaado ee caasimada Kmg-ga ee Maamulka Galmudug waxaa Maanta ka Furmi doona Shirka looga hadlayo Qorshaha qaranka iyo kaalinta Dowlad Gobolleedka Galmudug.
Wafdi uu Hogaaminaayo Wasiir ku- Xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya Prof Cabdullaahi Sheekh Cali “Qaloocow” ayaa goor dhow ku wajahan Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud si uu ugu qeyb galo shirka Magaalda Cadaado ka Furmaya.
Dhanka kale Shirkaan loogu hadlaayo Qorshaha qaranka iyo kaalinta Dowlad Gobolleedka Galmudug. waxaa ka qeyb galaya Madaxda Maamulka Galmudug.
Shirar noocaan oo kala ah ayaa dhawaan lagu qabtay Magaalooyinka Dowlada Goboleedyada dalka ka jira sida Kismaayo, Baydhabo, iyo Garoowe.

