Raisulwasaaraah Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke iyo wafdi uu Hogaaminaayo ayaa goordhaweyd gaaray Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.
Wafdiga Raisulwasaaraha Soomaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke waxaa Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif kusoo dhaweeyay Madax uu kamid yahay wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumada Soomaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa.
Mudane Cumar C/rashiid Cali shamarke Raisulwasaaraha ayaa Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan waxa uu kulamo kula qaadan doonaa odoyaasha iyo waxgaradka kasoo jeeda Gobolka Hiiraan. Isagoona kala hadli doono shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha dhexe oo wajigiisa Labaad ka furan magaalada Jowhar.

