Xidiga qadka dhexe ee kooxda Barcelona Sergio Busquets ayaa laga saaray ciyaartooda xulka dalka Spain ee la ciyaari doona xulalka Italy iyo Romania kadib dhaawac kasoo gaaray dhanka Farta.
Xiriirka dalka Spain ee Spanish Football Federation ayaa xaqiijiyay in xidiga Sergio Busquets uu ka jabay farta Midig kadib markii ay kooxda Barcelona 4:0 kaga adkaatay kooxda Eibar bishaan Gudaheeda.
Tani ayaa ka dhigan in xidiga Sergio Busquets uu xulkiisa ka maqnaado kulanka ay garoonka Udinesa ay kula ciyaari doonan xulka dalka Talyaaniga iyo kulanka sadex bari kadib ay garoonka Cluj Arena ay kula ciyaari doonaan xulka dalka Romania.

