Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa maanta kormeer howleed waxa uu ku tagay xarunta Taliska qeybta Booliska Gobolka Mudug ee Dagmada Galkacyo,
Mudane C/kariin Xuseen Guuleed Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa u kuurgalay Xaaladaha ay ku sugan Yihiin Ciidamada Booliska Gobolka Mudug iyo waxyabaaha qaar ay ka cabanayaan.
Ugu horeyntii Taliye ku-xigeenka Ciidanka booliiska Galmudug Korneeyl Cabdi Jaamac Cabdule (Xabeeb) ayaa madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed waxa uu ugu warbixiyay xaaladaha ciidamada Booliska Magaalada Gaalkacyo.
Taliye ku-xigeenka Ciidanka booliiska Galmudug Korneeyl Cabdi Jaamac Cabdule (Xabeeb) ayaa tilmaamay in ay jiraan baahiyo kala duwan oo heysta ciidamada Booliska qeybta Galmudug iyo in ay u baahan yihiin tababaro fara badan.
Dhanka kale Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay wax badan ay ka qaban doonaan baahiyaha ay xiligaan sheeganayaan Taliska Booliska qeybta Booliska Gobolka Mudug ee Dagmada Galkacyo,
“ka maamul ahaan waxaan ka jawaabi doonaa baahiyaha ay muujinayaan Taliska qeybta Booliska Gobolka Mudug ee Dagmada Galkacyo ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuled.








