Xidiga Alex Iwobi oo isbitaalka loola Cararay

0

Weeraryahanka kooxda Alex Iwobi  ayaa loola cararay isbitaalka kadib markii uu cunay cuno sun ku jirtay sida uu xaqiijiyay macalinka xulka dalka Nageria.

Samson Siasia ayaa warbaahinta u sheegay in Alex iwobi uu cunay cuno sun ay ku jirtay isla markaana loola cararay isbitaal ku yaala Magalada Abuja ka hor kulan isreebreebka ciyaaraha qaramada qaarada Africa ay la ciyaari doonaan xulka dalka Masar.

Iwobi,  ayaa kusoo bilowday kulankii kooxda arsenal la ciyaartay Todobaadkii hore kooxda Barcelona wuxuuna sidoo kale dhaliyay Todobaadkaan goolkiisa ugu horeeyay ee kooxda arsenal kadib guul ay ka gaareen kooxda Evertoon.

Dhanka kale hadii uu xidigaan kasoo muuqdo xulka dalka Nageria waxaa meesha ka baxaysa sheekada aheyd in uu u ciyaaro xulka dalka Ingiriiska.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here