Warar lagu kalsoonaan karo oo ay idaacada simba halayso ayaa sheegaya in galinkii dambe ee maanta in xabsiga laga sii daayay siyaasiga Cabdi Nuure Siyaad oo loo yaqaano (Cabdi Waal).
Ciidamada Kenya ayaa Cabdi Nuure Siyaad (Cabdi Waal) kasoo qabtay baar ku yaala Magaalad Nairobi ee dalka Kenya waxaana gacanta loo galiyay ciidamada Nabad sugida dowlada soomaliya.
Siyaasiga Cabdi Nuure Siyaad (Cabdi Waal). Ayaa horey loogu eedeeyay dagaalo ka dhacay Gobolada dalka Soomaliya iyo ciidamo ilaalo u ahaa isaga in ay dagaal la galeen ciidamada Hay;ada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka dowlada soomaliya,
Ilaa Hada lama Ogo cida gacan ka geysatay sii deysmada Cabdi Nuure Siyaad (Cabdi Waal). Oo kamid ah siyaasiyiinta Soomaliyeed.

