Weerar Caawa ka Dhacay Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari

0

Wararka  caawa ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa ku waramaya in habeenkii Labaad kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen kontorool ay ciidamada Maamulka Puntland ay ku leeyihiin magaaladaas.

Rag Hubeysan ayaa la sheegay in ay caawa weerar qorshaysan ay ku qaadeeen saldhig ay ciidamada Maamulka Puntland ay ku lahaayeen Kontorool ku yaala Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari

Ilaa Hada Lama ogo qasaaraha ka dhashay dagaalka dhaxmaray ciidamada Maamulka Puntland ee ku sugan Magaalada Boosaaso iyo raga Hubeysan ee habeenkii Labaad weeraray Magaalada Boosaaso.

Dhanka kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in kooxo Hubeysan ay caawa weerar bambaanooyin loo adeegsaday  ay ku qaadeen Guriga Madaxwayne kuxigeenkii Hore ee Maamulka  Puntland Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab  oo ku yaala Waqooyiga magaalada Gaalkacyo  waxaana halkaas ka dhacay iska Hor Imaad kooban oo dhaxmaray ciidamada ilaalada Gaagaab iyo kooxda Hubeysan,

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here