Diyaaradaha Kenya oo Duqeeyay Saldhigyo ay al-shaabaab ku Lahayeen Gobolka Jubbada Hoose.

0

Diyaaradaha dowlada Kenya ayaa maanta Duqeymo ka Fuliyay saldhigyo ay al-shabaab ku lahaayeen inta u dhaxeyso Degmooyinka Afmadow iyo Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dad ku sugan deegaanada ay maanta duqeeyeen diyaaradaha dowlada Kenya ayaa warbaahinta u sheegay in ilaa dhowr gantaal lagu garaacay saldhigyo al-shabaab ay ku lahaayeen Degmooyinka Afmadow iyo Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose.

Kadib markii ay al-shabaab weerar gaadmo ahaa ay ku qaadeen kolonyo ay la socdeen ciidamada Kenya waxaa xalay ilaa duhurnimadii maanta deegaanada uu dagaalka ka dhacay gaaf wareegaayay diyaaradaha dowlada Kenya.

Dowlada Kenya oo ka hadashay weerarka ay ku qaaday saldhigyada al-shabaab ayaa sheegtay in ay dishay tiro badan oo ka Tirsanaa ciidamada al-shabaab kadib markii  al-shabaab weerar gaadmo ahaa ay ku qaadeen galinkii dambe ee shalay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here