Dab xoogan ayaa goor dhaweyd ka kacay Dhismaha Isbitaalka Banaadir ee degmada wadajir ee Magaalada Muqdisho.
Dad ku sugan nawaaxiga isbitaalka Banaadir ayaa warbaahinta simba u sheegay in dabka uu ka kacay dhismaha isbitaalka isla markaana uu ku faafay qeybaha isbitaalka Banaadir uu ka kooban yahay.
Suxufiyiin gaaray Isbitaalka Banaadir oo ku yaala Degmada wadajir ee Magaalada Muqdisho ayaa waxay soo sheegayaan in gaadiidka dab demiska ay soo gaareen Isbitaalka, isla-markaana ay bilaabeen dadaalo ay dabkaasi ku deminayaan.
Wararka qaar oo ay idaacada simba ka halayso isbitaalka Banaadir ayaa sheegaya in dabka uu ka kacay xarunta keydka dawooyinka Isbitaalka.

