Wararka saakay naga soo gaaraya duleedka degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ayaa ku waramaya in maamulka al-shabaab ee deegaankaas ay Gowraceen Nin Oday ah oo Magaciisa lagu soo Koobay Xasan.
Dadka deegaanka degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ninka la gowracay uu kamid ahaa dadka deegaanka isla markaana aad loogu yaqaanay degmada Xarardheere iyo tuulooyinka hoos yimaada.
Dhanka kale Ninka odeyga ee al-shabaab gowraceen ayaa saakay meydkiisa lagu arkay mid kamid ah wadooyinka degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug waxaana da’diisa lagu qiyaas 70-sano jir.
Wali wax war ah kama soo bixin dhanka maamulka al-shabaab ay kaga hadlayaan gowraca ninka odeyga ee kamid ahaa dadka deegaanka degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

