Maamulka degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose ee dowlada soomaliya ayaa sheegay in ay saakay aroortii ciidamada amaanka dowlada sooamaliya ay dileen nin ka tirsanaa ciidamada al-shabaab .
Gudoomiyaha degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose Xuseen Barre Max’ed Jeex, oo goordhaweyd la hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka soomaliyeed iyo kuwa maamulka degmada Baraawe oo iskaashanaya ay ka hortgeen falka uu doonayay ninkaan ka tirsanaa al-shabaab.
Gudoomiyaha waxa uu sheegay in abaarihii 04:00 oo habeenimo lagu soo wargaliyay maamulka degmada Baraawe in ninkaan uu waxyaabaha qaraxa ku aasayay qeybo kamid ah degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha hoose ayna halkas ku baxeen ciidamo aka tirsan kuwa dowlada soomaliya iyo kuwa maamulka.
Xuseen Barre Max’ed Jeex Gudoomiyaha degmada Baraawe waxa uu tilmaamay in ciidamada ay ku wargaliyeen ninka ka tirsanaa al-shabaab in uu is dhiibo balse uu ka dhaga adeegay arintaas ayna ciidamada ku dhufteen dhowr xabadood oo markii dambe u dhintay.

