Raisulwasaaraha Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali sharmarke iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa maanta ku wajahan Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Qaban qaabada lagu soo dhaweynayo wafdiga Raisul wasaaraha Soomaaliya cumar C/rashiid Cali sharmarke ayaa haatan laga dareemayaa gudaha magaalada Beladweyne, iyadoo garoonka diyaaradaha ee Ugaas Khaliif ay iminka ku suganyihiin mas’uuliyiinta maamulka Gobolka hiiraan saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo kuwa Amisom.
Amaanka Magaalada Beledweyne ayaa aad loo adkeeyay waxaa Gudaha Magaalada Beledweyen iyo garoonka Ugaas khaliif ku sugan saraakiil ka tirsan ciiamada dowlada soomaliya iyo kuwa Midowga Africa ee amisom.
Wali lama shaacin ujeedka safarka Raisulwasaaraha soomaliya Mudane Cumar C/rashiid cali sharmarke uu ku Tagayo Magaalada Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

