Maamulka Soomaaliland oo ka hadlay Doorashada 2016 iyo Wada hadalada Kala dhexeeyey Dowladda

0

Sacad cali Shire oo ah Wasiirka Arimha Dibada Soomaaliland ahna Gudoomiyaha guddi aqoonsi raadis ah oo uu magacaabay madaxweynaha  Maamulka Soomaaliland  oo Wareysi gaar ah siiyey idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay Diyaar u yihiin inay Markale Wada Hadal la Furaan Dowlada Dhexe ee soomaaliya.

Wasiirka Arimha Dibada Maamulka Soomaaliland ayaa sheegay in aysan dhankooda ka daali doonin in xal laga gaaro arimaha Soomaaliya iyo Soomaaliland isla markaana taageerayaan sii socoshada Wada hadalada  Dalka Turkiga ku dhaxmaraya Maamulka gooni isu taagga Soomaaliland iyo Dowladda Fedraalka ah ee Soomaaliya  waxa uuna xusay in Maamulka Soomaaliland uu ka fogaanayo wax walba oo keeni kara in wadahadaladu ay Fashilmaan.

Wasiirka Arimha Dibada Soomaaliland Waxaa uu Soo hadal qaaday arimaha la xariira doorashooyinka dalka Soomaaliya ka dhacaya Sannadkan waxaa uu sheegay in aysan doorashooyinkaasi aysan saameyn ku yeelandoonin Maamulka Soomaaliland islamarkaana ay u diyaargaroobayaan in deegaanadooda ay doorasho ka dhacdo Sannadka Soo socda ee 2017.

Wareeysiga Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliland uu Siiyey Radio Simba oo dhinacyo badan taabanayey ayaa mar wax laga weydiiyey dadka kasoo jeeda deegaanada Soomaaliland ee  ku jira dowladda Soomaaliya waxaa uu sheegay in aysan dadkaasi matalin Soomaaliland balse ay yihiin sida uu sheegay dad danahooda gaarka ah wata oo aan ka tarjumikarin rabitaankooda,isagoo sii hadlaya ayuu sheegay  in hadda ay xoojinayaan ololaha soomaaliland ay ku raadineyso Aqoonsiga waxaa uu sheegay in safiirada wadamada Caalamka u fadhiya Soomaaliland ay kala hadleen sidii ay u helilahaayeen aqoonsi ku aaddan in ay ka go’do Soomaalida inteeda kale.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here