Wasiirka amniga Xukuumada Soomaliya C/risaaq Cumar Maxamed, ayaa sheegay in ciidamada al-shabaab iyo Madaxda Al Shabaab, ay ka cabanayaan weerarada dhinaca cirka ah ee lagu qaadayay maalmihii dambe.
C/risaaq Cumar Maxamed, oo la hadlay laanta afka soomaliga ee Voa-da ayaa sheegay in saraakiisha iyo hogaamiyaasha al-shabaab ay soo food-saartay cabsi aad u fara badan kadib markii diyaaradaha Drones-ka mareykanka ay sii kordhiyeen duqeymaha dhanka cirka ah ay ka fuliyaan meelaha ay ku sugan yihiin al-shabaab.
Wasiirka amniga ayaa hoosta ka xariiqay in Dowladda Somaliya ay faa’iido wayn ugu jirto sii socoshada duqaymaha dhanka cirka ay fulinayaan diyaaradaha Drones-ka mareykanka , waayo sida uu sheegay waxay Dowladda ku abaabuleysaa hawlgalo lagu soo gaba gabeenaayo Shabaabka, iyadoo kaashanaysa Ciidamada Amisom.
Diyaaradaha Drones-ka Mareykanka ayaa Todobaadkaan Gudihiisa weeraro dhanka cirka ah waxa ay ka fuliyeen Gobolada Hiiraan iyo shabeelaha Hoose iyadoo dowlada mareykanka sheegtay in ay ku dishay 150-askari oo ka tirsanaa al-shabaab.

