Maxamed Axmed Diiriye guddoomiye ku xigeenka Dhanka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir oo Maanta Warbaahinta Shir Jaraa”id ugu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arimo dhawr ah la xariira howlaha Maamulka Gobolka Banaadir ee ka socda Magalada Muqdisho.
Maxamed Axmed Diiriye ayaa mar uu ka hadlay arimaha la xariira Canshuurta laga qaado Shacabka ku nool Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in shacabka oo kaliya ay hadda bixiyaan Canshuurta taa badalkeedana ay aysan Masuuliyiinta dowladdu aysan bixin lacagaha Canshuurta ah ee Shacabka laga qaado,taasi oo uu ku tilmaamay in ay tahay sharci darro aan loo baahneyn.
Waxaa uu sheegay Mar haddii Canshuur la qaadayo in laga bilaabo Masuuliyiinta dowladda si markaasi ay u fududaato in shacabku ay helaan kalsooni ay ku bixiyaan lacagaha laga doonayo ee Canshuurta ah.
Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir waxaa uu sheegay in masuul kasta oo ka tirsan dowladda Soomaaliya laga doonayo in guriga uu ka dagganyahay Magaalada Muqdisho uu ka bixiyo Canshuurta laga rabo taasi oo uu sheegay in ay dhiirigalin u noqoneyso Shacabka Muqdisho islamarkaana ay ku dhiiradaan in ay iyana Canshuurta u bixiyaan si kalsooni leh sida uu sheegay Maxamed Axmed Diiriye.
Shacabka Ku nool degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa iyagu inta badan waxaa ay sheegaan in Cansghuurta ay u bixinwaayeen kalsooni la’aan ka haysata halka ay ku dhiibayaan lacagahooda oo ay sheegeen in aysan helin adeegyadii ay helilahaayeen markii ay lacagta Canshuurta ah bixiyaan iyo sidoo kale in Markaasi Masuuliyiinta dowladda aan laga qaadin lacagta Canshuurta sida iyaga looga qaado.

