Howlgal Saakay ka Socda Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose

0

Wararka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose naga soo gaaraya ayaa sheegaya in saakay Magaaladaas  ay ka socdaan Howlgalo baaritaano ah oo la sheegay in loogu hortagayo  gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo la doonayo in lagu qaxyiyo Xarumaha maamulka Juba-land ee Magaalada Kismaayo.

Wariyaha Magaalada Kismaayo ee idaacada simba Saabir C/qaadir ayaa kusoo waramaya in  ciidamo ka tirsan kuwa maamulka juba-land iyo ciidamada Kenya ay iska kaashanayaan howlgalka  loogu hortagayo gaari la sheegay in waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo dhawaan la geeyay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose.

Dhanka kale Mas’uuliyiin ka Tirsan maamulka Juba-land aynu la xiriirnay ayaa ka gaabsaday in ka hadlaan howlgalkaan saakay ka socda Magaalada Kismaayo ee Gobolka Juba-land Hoose  oo lagu doonayo in lagu fashiliyo gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo dhawaan la geeyay Magaalada Kismaayo.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here