Waxaa maanta Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay ka furmi doona shir looga hadlaayo qorshaha qaranka, kaas oo ay wado wasaaradda qorsheynta ee dowladda Soomaaliya.
Shirkaan waxaa si wadajir ah u Furi doona wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga ah ee dowladda Soomaaliya mudane C/raxmaan Yuusuf Cali Ceynte iyo madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya Mudane Shariif Xasan sheikh aadan .
Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay waxaa sidoo kale ku sugan wasiirada qorsheynta maamulka dalka Soomaliya ka jira sida Juba-land, Galmudug, Puntland, iyo koonfur Galbeed Soomaliya.
Shirarkaan loogu hadlaayo qorshaha qaranka oo dhawaan lagu qabtay Magaalooyinka Kismaayo iyo Garoowe ayaa waqtiyada soo socda la filayaa in lagu qabto Magaalada Cadaado ee caasimada kmg-ga maamulka Galmudug.
Muhiimada shirarkaan ayaa lagu sheegay in dhamaan maamulada ka jira dalka sidii wax loogu weydiin lahaa qorshaha Qaran, sida uu dhawaan warbaabinta u sheegay wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga ah ee dowladda federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ceynte.

