Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho ay wehliyeen mas’uuliyiin ka tirsan dowlada soomaliya ayaa habeenkii xalay ahaa howlo kormeer ah ku maray qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.
Meelaha uu Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale uu kormeerka ku maray waxaa kamid ahaa isgoysyada Falaransa. Cali kamiin. Carwo itko , baar ubax warshada caanaha , isgoyska Tarbuunka, bakaaraha iyo goobo kale.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo warbaahinta kula hadlay goobihii uu kormeerka ku marayay ayaa sheegay In ujeedka kormeerka maamulka Gobolka Banaadir uu yahay sidii uu maamulka ugu qeyb qaadan lahaa nabad galyada Gobolka Banaadir iyo sidii uu maamulka ula socon lahaa xaalada dhabta ah ee ka jira Gobolka Banaadir.
Taliyaasha Booliska iyo Nabad sugida oo Howlgal amaanka lagu xaqiijinayay sameeyay kormeerka ka hor ayaa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ku wargaliyay in shacabka Gobolka Banaadir ay yihiin kuwa lamaaha Amniga kala shaqeynaya sugida amniga Gobolka Banaadir.
Dhanka kale Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa ugu baaqay laamaha amniga iyo Ciidamada in ay si weyn u sugaan amaanka Gobolka Banaadir madaama Maamulka Gobolka Banaadir uu dhabarka saartay Mas’uuliyada waxa ka dhaca degmooyinka Gobolka banaadir.

