Taliyaha qeybta Gobolka Baay ee Ciidanka Xoogga dalka Cor.Bile aadan ibraahim oo la hadlay Radio Simba ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka dowladda Soomaaliya ay Maanta fashiliyeen weerar isku day ah oo Ciidamo ka tirsan xarakada Al-shabaab ay ku doonayeen in ay ku weeraraan gudaha Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Baay.
Korneylka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamada oo kaashanaya dadka ku nool duleedka Magaalada Baydhabo ay ka war heleen xogtaan ku aaddan weerarkaan ay qorshaynayeen in ay kusoo qaadaan Ciidankan ka tirsan Xarakada Al-shabaab gudaha Magaalada baydhaba ee Xarunta gobolka Baay.
Taliyaha ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in hadda ay deegaankii weerarka ay kasoo abaabulayeen al-shabaab uu gacanta ugu jiro Iyaga meel qiyaastii 40-KM u jirta deegaankaasina ay joogaan Al-shabaab waxaana uu tilmaamay in goobtaasina ay ku wajahanyihiin dhawaanna la wareegidoonaan sida uu hadalka u yiri.
Deegaanada dhaca duleedka Magaalada baydhaba ee uu sheegay taliyuhu in ay ka qabsadeen Al-shabaab ayuu sheegay in ay xaaladoodu dagantahay howlihiina ay caadi kusoo laabteen,Ciidamo dowladda ka tirsan oo ka hortagga weerarada Al-shabaabna ay u diyaariyeen ay hadda ku suganyihiin.

