Degmada Dharkinley oo ka mid ah degmoyinka gobalka Banaadir ayaa waxaa kuso badanayey maalmihii danbe dabley hubeysan kuwaa oo Xaafado kamid ah degmadaas ka sameynjiray falal dhac ah oo ay u geysanayaan dadka Shacabka ah ee ku dhaqan degmad dharkinley oo ay cabasho ka muujiyeen dadka ku nool halkaa,waxaana wixii intaa ka dambeeyey ciidamada ammaanka Maamulka degmadaas ayaa sameeyey howlgallo lagu bartilmaameedsanaayo kooxahaas burcadka ah.
Masuuliyinta Maamulka degmadaasi ayaa sheegay in ay wax badan ka qabteen dhibaatooyinkaasi ay u geysanayaan Shacabka kooxahaasi burcadda ah.
Guddoomiye ku xigeenka dhanka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Degmada dharkinley Daa’uud C/laahi Nuur ayaa u sheegay Radio Simba Muqdisho in Ciidamada Ammaanka degmadaasi ay wadeen muddooyinkii dambe howlgal ka dhan ah dadkaasi,waxaa uu sheegay in ay qaqabteen tira ka mid ah bucadda dhibaatada ka waday Degmada dharkinley ,islamarkaana lasoo afjaray uuna joogsaday dhacii ay ku hayeen Shacabka deggan xaafadaha degmadaasi.
Maalmihii dambe Degmada Dharkinley Shacabka ku nool waxaa ay ka cabanayeen dhibaatooyin ay sheegeen in ay ku hayaan kooxo ku labisan dareeska lagui yaqaanno ciidanka dowladda Soomaaliya kuwaasi oo wata hub iyo waliba gaadiidka loo yaqaanno Bajaajta iyagoona dadka ka qaadanaya waxyaabaha ay wartaan.

