Beelaha indho Yar Cabdale iyo Sinoole ayaa maanta Hubkooda iyo askar gaareysa 250 askari waxa ay ku wareejiyeen maamulka Galmudug .
Munasabada Ciidamadani loogu wareejinayay maamulka Galmudug waxaa ka soo qeyb Galay kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Cabdi xaashi xubna ka tirsan Golaha Wasiirada ,Maamulka Gobolka mudug iyo qaar ka mid ah beelaha maanta hubka wareejiyay .
Ugu horeyntii kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Cabdi xaashi oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in maamulka Galmudug uu soo dhaweynayo sida loogu wareejinaayo ciidamada wuxuuna balan qaaday in ay ka shaqeyn doonaan dhisida ciidamada Galmudug.
Maalmihii dambe beelaha dega Gobolka Mudug ayaa hubkooda ku wareejinaayay Maamulka galmudug.









