Madaxweynaha Wadanka Kenya Uhuru Kenyatta oo qudbad ka jeediyay kulankii Hogaamiyaasha ay ciidamada ka joogaan soomaliya ee lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Djabuuti ee caasimada dalka Jabuuti ayaa amisom ka dalbaday in ciidamo dheeri ah la geeyo Gobolka Gedo ee koonfurta dalka soomaliya.
Uhuru Kenyatta Madaxweynaha wadanka Kenya ayaa sheegay in Gobolka Gedo ee koonfurta dalka soomaliya gaar ahaan goobaha ay ka arimiyaan Xarakada al-shabaab ay yihiin meelaha laga soo abaabulo weerarada ka dhaca Kenya isla markaana loo baahan yahay in laga hortago.
“Gobolka Gedo Goobaha ay maamulaan al-shabaab waa halka laga soo abaabulo weerarada ka dhaca meelo kamid ah Kenya waxaa loo baahan yahay in ciidamo ka socda Amisom oo dheeri ah in la geeyo goobahaas ayna ka saraan al-shabaab si loo yareeyo weerarada ka dhaca Soomaliya iyo Kenya ayuu sheegay Madaxweyne Uhuru Kenyatta .
Dowlada Kenya ayaa dagaalo xoogan kula jirta ciidamada al-shabaab oo wali ku sugan meelo kamid ah Gobolada dalka Soomaliya. Waxaana dalka soomaliya sidoo kale ku sugan Ciidamo ka socda wadamada dariska sida Djibouti, Uganda, Burundi iyo Ethiopia. Kuwaasi oo dagaalo kula jira al-shabaab.

