Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna madaxa howlgalka AMISOM ee Soomaaliya Danjire Francisco Caetano Madeira ayaa cambaareeyay qaraxyadii ka dhacay magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.
Danjire Francisco Caetano Madeira waxa uu ku tilmaamay qaraxyadii ka dhacay Magaalada Bayhdabo ee Gobolka baay kuwa wuxushnimo ahaa isla markaana al-shabaab ay mar walba doonayaan in ay bartilmaameedsadaan shacabka soomaliya.
Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna madaxa howlgalka AMISOM ee Soomaaliya Danjire Francisco Caetano Madeira waxa uu sheegay in ciidamada amisom oo kaashanaya ciidamada dowlada soomaliya ay dib u bilaabi doonaan Howlgalka ka dhanka ah Xarakada al-shabaab.
Dhanka kale Qaramada Midoobe ayaa cambaareysay qaraxyadii ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.
Qaramada Midoobe waxa ay ku tilmaamtay qaraxyadaas kuwa aan la aqbali karin isla markaana loogu baahan yahay dowlada soomaliya in ay jawaab ka bixiso weerarada qaraxyada ee kusoo laab-laabtay dalka.

