Wasaarada Amniga oo Sheegtay in la Dardargalin doono Sugida Amniga Caasimada

0

Wasaarada amniga Gudaha xukuumada soomaliya ayaa sheegtay in dar-dargalin doono sugidda amniga caasimada muqdisho kadib weerarkii xalay dhacay.

Afhayeenka Wasaaradda  Amniga Gudaha  Cabdikaamil  Macalin Shugri oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wasaarada amniga gudaha xukuumada soomaliya ay  dardargalin doonto howlaha amni xaqiijinta isagoo ugu baaqay shacabka ku nool caasimada in ay laamaha amniga ka gacan siiyan sugida amniga.

“wasaarada amniga Gudaha waxa ay dar-dargalin doontaa howlaha amni xaqiijinta caasimada Muqdisho iyo la dagaalanka raga ka tirsan al-shabaab ee doonaya qalqal galinta amniga caasimada ayuu yiri afhayeenka wasaarada amniga.

Cabdikaamil  Macalin Shugri waxa uu sidoo kale  sheegay in ciidamada Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka dowlada soomaliya ay ku guuleysteen ka hortagida weerarkii xalay dhacay isagoo hadalkiisa ku daray in ay dileen ragii weerarka soo qaaday.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here