Dowlada soomaliya ayaa sheegtay baaritaan ay sameysay kadib in culeyska qaraxii kowaad ee xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho in culeys ahaan uu gaarayay 200KG.
Baaris ay sameeyeen Ciidamada Booliska qaybta qaabilsan Qaraxyada iyo Saraakiil cadaan ah, ayaa lagu ogaaday in Qaraxii koowaad ee xalay ka dhacay Koontarool Ciidanka NISA ay ku leeyihiin meel ku dhaw Hotelka SYL uu ahaa mid gaaraya culeys ahaan 200KG.
C/risaaq Cumar Maxamed Wasiirka Amniga Somaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in qaraxa kowaad uu ahaa mid culeyskiisa lagu qiyaasay 200KG. isla markaana lala damacsanaa in lagu burburiyo Koontaroolka Ciidanka NISA ay ku leeyihiin meel ku dhaw Hotelka SYL ee Magaalada Muqdisho.
“Baaritaan ay sameeyeen Booliska qaraxyada qaabilsan iyo hey’adaha taageera waxay qaraxan ku tilmaameen inuu ku cuslaa kii hotelka Jazeera, wuxuu ahaa 200KG ayuu yiri wasiirka amniga xukuumada soomaliya C/risaaq cumar Maxamed.
dowlada soomaliya ayaa dhanka kale sheegtay in ay jiraan dad badan oo ku dhaawacmay iyo kuwa ku dhintya qaraxa balse ay dib kasoo sheegi doonaaan tirada rasmiga ee wax ku noqotay qaraxa.

