Gianni Infantino ayaa ku guuleystay madaweynaha xiriirka kubada aduunyada ee Fifa kadib markii xilkaas laga ganaaxay Madaxweyneyne Sepp Blatter.
Madaxweynaha cusub ee Xiriiaka Fifa Gianni Infantino ayaa helay codod gaaraya 115-cod wuxuuna ka guuleystay musharixii la tartamaayay ee Salman Bin Ibrahim al-Khalifa wuxaana kaalinta 3-aad galay Prince Ali bin Hussein.
“Mudanayaal ma qiyaasi karo dareenkayga ku aadan ku guuleysiga madaxweynaha xiriirka Fifa ayuu yiri madaxweyanah cusub Gianni Infantino. kadib markii la shaaciyay doorashada.
Gianni Infantino oo ah nin haysta dhalashada dalka Swixerland balse kasoo jeeda dalka Talyaaniga ayaa sheegay in isbadal muuqdo uu ku sameyn doono xiriirka kubada cagta ee Fifa kadib markii ay hareeyaan musuq-maasuq baahsan.





