Dowlada Turky-ga ayaa sheegtay in Magaalada Muqdisho caasimada soomaliya ay ka furi doonto isbitaal lagu daaweyn doono dadka barakacayaasha aan awoodin iska bixinta lacagaha caafimaadka.
Sadik Danisman oo kamid ah Hay’ada gar-gaar ee ordogan Fundetion ayaa sheegay in dhawaan ay Magaalada Muqdisho ka hirgalin doonaan isbitaal u gaar ah dadka barakacayaasha ee aan awoodin iska bixinta lacagaha caafimaadka.
Isbitaalka dowlada Turky-ga ay dhisi doonto ee loogu talagalay dadka barakacayaasha ayaa la sheegay in dhirikiisa uu yahay 27,000-square meter. dhismihiisana uu dhawaan bilaaban doono.
Sadik Danisman waxa uu sidoo kale tilmaamay in baahidaan ay timid kadib markii dadka baracayaasha la ogaaday in ay la dhibaateysan yihiin xaalado caafimaad aysan awoodin bixinta lacagaha goobaha caafimaad lagu qaado.

