C/wali  Gaas:- Al-shabaab iyo Daacish Waa isku Mid Waana la dagaalami doonaa

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas  oo wareysi siiyay laanta afka soomaliga ee Voa-da ayaa sheegay in maamulkiisa uu feejignaan dheeri uu kaga jiro weeraro kaga yimaada xarakada al-shabaab.

Dr C/wali Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Maamulka Puntland waxa uu sheegay in ay ka warqabaan isku biirista al-shabaab iyo kooxda daacish ee ka dagaalanta dalalka Syria iyo ciraaq oo dhawaan shaacisay In ay heshiis la gaartay al-shabaab-ka ka dagaalama buuraha galgala ee deeganada Maamuka Puntland.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas waxa uu tilmaamay in al-shabaab iyo daacish oo dhawaan isku biiray ay isku mid yihiin ayna la dagaalami doonaan inta laga saarayo deegaanada Maamulka Puntland.

Hadalka Madaxweynaha Maamulka  Puntland ayaa imaanaya xili garabkii al-shabaab ee ku sugnaa deegaanada maamulka Puntland ay ku dhawaaqay in uu ku biiray kooxda daacish ee dagaalka kula jirta wadamo badan.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here