Madaxweynaha Soomaliya Mudane xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka hadlay xiriirka ka dhaxeeya Soomaliya, kenya iyo talaabadii dhawaan lagu xanibay wafdi uu hogaaminaayay Raisulwasaaha soomaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke oo saacada kooban lagu xabinay Garoonka Jomo Kenyatta ee Magaalada Nairobi.
Mudane Xasan sheikh Maxamuud Madaxweynaha soomaliya ayaa tilmaamay in dalalka Soomaliya iyo Kenya ay yihiin dalal saaxiibo dhow ah isla markaana mararka qaar ay dhici karaan waxyaabo qalad ah balse labada dowladood ay kawada hadlaan arimahaas.
Madaxweynaha Soomaliya ayaa ka hadlay xanibaada lagu sameeyay wafdiga Raisulwasaaraha soomaliya wuxuuna yiri’’ “Raisul Wasaaraha ma’ahayn aniga intaan ogahay waxa la haystay, laakiin dad kaloo laga yaabo Ra’iisal Wasaaraha inay la socdeen weeye, Xildhibaano ha ahaadaan.”
Xasan sheikh maxamuud waxa uu sheegay in dal walba uu leeyahay qawaaniin iyo nidaam sidaas darteed dowlada Kenya ay martay qawaaniintii dowladnimo ayna si doplomaasiyad ahaan ay kala hadli doonaan wixii ka dhacay Garoonka Jomo Kenyatta ee Magaalada Nairobi.
“Dal kasta qawaaniintiisa iyo nidaamkiisuu leeyahay, dal-na qawaaniintiisa iyo nidaamkiisa kuma fara-geliyo, ayuu yiri Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud oo warbaahinta kula Hadlay Magaalada Istabbul ee dalka Turky-ga.
Hadalka Madaxweynaha Soomaliya Mudane xasan Shiikh Maxamuud ayaa kusoo beegmaya xili laamaha amaanka Garoonka diyaaradaha Kenya ay muddo saacadaha ah ay xanibeen wafdi uu Hogaaminaayay Raisulwasaaraha soomaliya Cumar C/rashiid Cali sharmarke.

