Xalay waxaa Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya ku Geeriyooday Allaha u Naxariistee Madaxweynihii Maamulka Lamagac baxay Jubba Ganaane C/llaahi Cali Xasan Garas oo dhawaan la doortay.
Marxuumka Ayaa Ku Geeriyooday Mid kamid ah Hoteelada Ku Yaala Magaalada Muqdisho Ee Caasimada Soomaaliya. Oo mudooyinkii dambe hoy ahaan uu dagnaa madaxweynaha.
Xildhibaan Cumar Cali Balash oo Kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaliya ee kasoo jeeda Gobolka jubooyinka oo Lahadlay Idaacada Simba ayaa sheegay in madaxweynaha uu caafimaadkiisa wanaagsanaa maalmihii dambe balse ay xiligaan socdaan baaritaano la xiriira waxa keenay geerida Madaxweynaha.
Dhawan ayay aheyd markii Magaalada Muqdisho Muqdisho loogu dhawaaqay Maamul lamagac Baxay Jubba Ganaane waxaana Madaxweyne loogu dhigay C/llaahi Cali Xasan Garas.

