Axmed Ciise Cali oo Kamid ah Waxgaradka Gobolka Gedo oo Lahadlay Idaacada Simba Ee Magaalada Muqdisho Ayaa Dowlada Soomaliya ku eedeeyay in Aanay Waxba ka Qaban Dhibaatooyin Ciidamada Kenya Ay ku Hayaan Shacabka ku Dhaqan Gobolkaasi gedo.
Nabadoon Axmed Ciise Cali Ayaa sheegay in Ciidamada Kenya Ay Duqeeymo Aan kala Sooc Laheyn Ay ka Wadaan Gobolka Gedo Ee Koonfurta Wadanka Somalia isaga oo Sheegay in Dad Rayid ah Ay ku Waxyeeloobayaan.
Madaxda Sare Ee Dalka Ayuu ku eedeeyay in Aanay Soo Faragalin Dhibaatooyinka Dowlada Kenya Ay ku heeyso Shacabka ku Dhaqan Gobolka Gedo isaga oo Dowlada Somalia ugu Baaqay in Si Deg Deg Ah Ay u Soo Faragaliso Dhibaatada Kenya Ay ku heeyso Shacabka ku Dhaqan Gobolkaasi Gedo.
Ciidamada Wadanka Kenya oo Qeeybta ka Ah Howlgalka Amisom Ee Somalia Ayaa Waxa ay ku Suganyihiin Gobolada Jubooyinka iyo Gedo Ee Koonfurta Wadanka Somalia Waxaana Duqeeymo Qasaare Sababa Ay ka wadaan Gobolada Jubooyinka iyo Gedo Ee Koonfurta Soomaliya.

