Maaamulka Gobolka Banaadir oo Shacabka Degmooyinka ugu Baaqay in ay la Shaqeeeyaan Laamaha Amaanka

0

Ku Simaha Gudoomiyaha Gobolka  Banaadir Ahna Gudoomiye ku Xigeenka Maamulka Gobolka  Maxamed Axmed Diiriye Ayaa Shacabka ku Dhaqan 17-ka Degmo Ee Gobolka Banaadir Ugu Baaqay in Laamaha Amaanka Ee Dalka ay ku Gacan Siiyaan Sugida Amaanka Caasimada Somalia Ee Muqdisho.

Gudoomiye  Maxamed Axmed Diiriye Ayaa Sheegay in Sugida Amniga Caasimada ay Dan  ugu Jirto Shacabka ku Dhaqan Muqdisho isaga oo ugu Baaqay in Laamaha Amniga Dalka Ay Gacan ku Siiyaan Sidii Loo Xaqiijin Lahaa Amaanka Guud Ee Caasimada.

Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir Ayuu ugu Baaqay in Ay Qeeyb Ka Qaataan isku Xirka Bulshada Muqdisho iyo laamaha Amaanka Ee Dalka Si Amaanka Caasimada uu unoqdo Mid Hagaagsan

Shalay Ayeey Aheyd Markii Madaafiic Qasaare Geeystay Ay ku Dhacday Qeeybo Kamid ah Degmooyinka Howlwadaag iyo Wardhiigleey Ee Gobolka Banaadir iyada oo Xalay Ciidamada Amaanka Dowlada Somalia Ay Ka howlgal Balaaran  ka sameeyeen Qeeybo kamid ah Muqdisho. howlgalkaas oo lagu soo qab-qabtay dad lagu tuhmaayo arimahaas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here