Laacibki Hore ee kooxda Arsenal Robert Pires ayaa ku dhawaaqay in uu ka fariistay kubada cagta.
Robert Pires ayaa usoo ciyaaray kooxaha Metz, Marseille, Villarreal , Aston Villa iyo arsenal kadib inta uusan u dhaqaaqin Horyaalka dalka India ee Indian Super League gaar ahaan kooxda Goa, isagoona ka Tagay bishii March.
Robert Pires oo wareysi siiyay L’Equipe: ayaa Yiri: waxaan ahay 42sano jir waxaa la joogaa xiligii aan ka Fariisan lahaa Kubada Cagta markii ugu dambeysay waxaan kasoo ciyaaray Horyaalka Indina waxaan Fursad siin doonaa ciyaartooda yar yar.
Laacibkaan ayaa xulka dalka France kula guuleystay koobkii aduunka ee sanadkii 1998-dii iyo ciyaarihii Uero 2000-dii iyo labo koob oo Confederations Cup xili uu xulkiisa kasoo muuqday sanadkii 2004-tii, markii ugu dambeysay.
Robert Pires ayaa arsenal kula Guuleystay koobab badan sida 2000 iyo 2006, uu kula guuleystay Horyaalka dalka Ingiriiska iyo xili ciyaaredkii loogu Magac-daray Unbeaten 2003-2004-tii.
Laacibkaan ayaa sidoo kale arsenal kamid ah markii laga qaadayay Finalkii Champions League ee loogu qaaday Magaalada Paris ee dalka France. Iyadoo ciyaartaas lagu xasuuto in la badalay laacibkii kadib markii uu card- roosha la siiyay goolhaye Jens Lehmann’.

