Dowlada kenya ayaa waxaa ay beenisay hadalkii dhawaan madaxweynaha soomaaliya Xasan shiekh maxamuud uu ku sheegay in 180 ilaa 200 askar gaareysa looga dilay kenya weerarkii ceel cadde.
Afhayeenka ciidanka kenya corneel david obonyo oo wareysi qadka taleefanka ku siiyey wargeyska the Star ee kasoo baxa kenya ayaa sheegay in hadalka madaxweynaha soomaalia xasan shiekh maxuud in uu yahay mid aan waxba ka jirin.
“Wali kama aanan hadlin dhimashada askarta kenya ee saxda ah umana soo ban dhigin warbaahinta dhan , sidii hal maalin looga dili karaa askarteena 180-200 , qof kasta ma filan karo dhacda tan oo kalaa ayuu yiri afhayeenka ciidanka kenya”.
Afhayeenka ciidanka kenya corneel david obonyo ayaa sidoo kale sheegay in Tirada uu madaxweynaha soomaaliya sheegay ay tahy tira aad u badan . ayna tahay tiro uu hogaamiyo Kaptan una dhaxeysa 80-250 askari.
Madaxweynaha soomaaliya hasan shiekh maxamuud ayaa maalinkii shalay waxaa uu sheegay in weerarkii ceel cadde ee dhacay 15-kii bishii january looga dilay kenya ciidan gaaraaya 180-200 oo askari.
Al-shabaab ayaa weerarkaasi ka dib waxaa ay sheegteen in ay ku dileen 100 askari oo ka tirsanaa ciidanka difaaca kenya halka ay sidoo kalane sheegeen in ay afduubteen askar kale.

