Madaxweyne Axmed Madoobe oo ka Hadlay Duqeymaha Diyaarahada Kenya ay ka Geysteen Gobolka Gedo

0

Madaxweynaha Maamulka Juba-land axmed Maxamed Islaam axmed Madoobe oo warbaahinta kula Hadlay Magaalada Istanbul ee dalka Turky-ga ayaa markii ugu horeysay ka hadlay duqeymaha diyaaradaha Kenya ay ka geysteen Gobolka Gedo ee Koonfurta dalka Soomaliya.

Madaxweyne Axmed Madoobe, wuxuu sheegay  inay jirto kaliya saddex ruux oo Duqeynta ku dhintay iyo Afar Neef oo Xoolo ah, balse aysan jirin ruux kale oo ku dhintay, hadii uu jirana isaga uu qaadayo Masuuliyada sida uu hadalka u dhigay.

‘’ Waa Been abuur ay wadaan dadka qaar duqeymaha Kenya ay fuliyeen waxaa ku dhintay 3-ruux iyo xoolo ku sugnaa deegaanka ceel-cadde ee Gobolka Gedo hadii ay jiraan wax badan intaan aniga ayaa qaadaya Mas’uuliyad ayuu sheegay Madaxweyne Axmed Madoobe.

Hadalka Madaxweynaha Maamulka Juba-land axmed Maxamed Islaam axmed Madoobe ayaa ku soo beegamaya xili duqeymaha Kenya ay Gedo ka fuliyeen la sheegay in ay ku dileen dad shacab ah oo aad u fara badan kadib weerarkii deegaanka ceel-cadde.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here