Raggii la Sheegay in ay Ka dambeeyeen dilkii Hindiyo Xaaji Maxamed oo Maanta la Maxkamadeynaayo

0

Waxaa Maanta Lagu wadaa in Maxkamadda darajada koowaad ee ciidanka qalabka sida ee dalka, ay dhageysato dacwado loo heysto shan nin oo lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen dilkii Allah u naxariistee Hindiyo Xaaji Maxamed, oo ka tirsaneyd warbaahinta dowlada.

Xarunta Maxakamada darajada Kowaad waxaa xiligaan ku sugan qaar kamid ah wariyaasha Magaalada Muqdisho qareenada u doodaya eedeysanayaasha, eheladooda iyo dadweyne u yimid dhageysiga maxkamadda. Iyo qaabka uu xukunka u dhacayo.

Dowlada Soomaliya ayaa dhawaan sheegtay in ay gacanta ku dhigtay Raggii ka dambeeyay dilka Hindiyo Xaaji Maxamed oo ka Tirsaneed warbahinta Dowlada soomaliya oo lagu dilay qarax loogu xiray geerigeeda xili ay kasoo baxday mid kamid ah Jaamacadaha Magaalada Muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here