Madaxweynaha soomaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay ka hadlay ka qaybgalkii xuskii Ciidanka Kenya 28-kii bishii January loogu sameeyay Magaalada Eldoret, ka dib markii 15-kii January lagu laayay weerar ay Al Shabaab ku qaadeen Deegaanka Ceelcadde ee Gobolka Gedo.
Mudane xasan sheikh Maxamuud waxa uu sidoo kale ka hadlay qaar kamid ah bulshada soomaliyeed oo aragtiyo kala duwan ka bixisay qaabkii uu kaga qeyb galay xuska loo sameeyay ciidamada Kenya kaga dhintay weerarkii deegaanka Ceel-cadde.
‘’Shisheeyaha dalalkooda waa ku dhintaan, umana tagno, tacsi toodaana ma tagno, markii 180 ama 200 in ku dhow oo wiil Somaliya loo soo diray, sababta loogu soo dirayna Somaliya inay nabad ka keenaan, ku saacidaan dadka Somaliyeed nabad inay hellaan ay ahayd hal subax in la dilo. Hawl caadi ah iyo dad ajaaniib ahaa dhintay maaha Ayuu yiri madaxweyne Xasan sheikh Maxamuud.
Dhanka kale Madaxweynaha soomaliya Xasan shiikh Maxamuud ayaa Tilmaanay in Kenya iyo wiilashooda ay mar kale doonayaan in dib loo soo celiyo nabadii soomaliya taasi ay keentay in uu kala qeyb galo aaska qaran ee loo sameynayay ciidamada Kenya kaga nafwaayay dagaalka.

