Maxakamada darajada Kowaad ee ciidamada qalabka Sida ayaa maanta xukuno dil iyo xabsi daa’in ku ridey rag lagu soo eedeeyay in ay ka dambeeyay dilkii wariye Hindiyo xaaji Maxamed oo dhawaan lagu dilay qarax geerigeeda loogu xiray.
eedeysane C/risaaq Maxamed Barrow ayay maxakamada ku xunktay xukun dil ah kadib markii maxkamada la horkeenay cadeymo muujinaya in uu shaqsigii gaariga qaraxa ugu xiray wariye Hindiyo Xaaji Maxamed isagoo sidoo kale maxkamada ka Hor qirtay in uu falkaas ka dambeeyay.
Dhanka kale Xasan Nuur Cali Faarax, Macalin Maxamed Abuukar Cali , iyo Macalin Maxamed Sheekh Yuusuf Wardheere ayay maxkamada ku xukuntay xabsi daain kadib markii ay maxkamada ka qirteen in ay wax ka ogaayeen falkii lagu qaarijiyay wariye Hindiyo xaaji Maxamed.
Maxkamada Darajada Kowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa sidoo kale xukuno xabsi min 5-sano ah ku riddey Cismaan Maxamed Cawaale iyo Cali Xasan Aadan Tooni oo lagu eedeeyay in ay wax ka ogaayeen dilka wariye Hindiyo xaaji Maxamed.
Halkaan Hoose ka dhageyso xukunka qaabka uu u dhacay

