Afhayeen u hadlay waaxda difaaca dalka mareykanka Pentagon oo lagu magacaabo jiif dafis ayaa sheegay in waqti dhaw ay la wareegi doonaan magaalada raqa oo waqooyi bari Syria ah iyaga oo kaashana xisbiga dimuqraadiga kurdiga ee ka dagaalama dalkaasi
Afhayeenkan ayaa sheegay in ciidanka kurdiga ay fulin doonan weerarka isla markaan mareykankana u cirka ka taageerayo isaga oo duqenaya fariisimaha daacish ee magaaldaasi waxa uuna tilmaamay afhayeenka in ay gurmad siinayaan shacab ku go’doonsan magaalda oo daacish ay maamusho
Mareykan ayaa taageera kooxo uu u bixiyey kacdoonka dimuquraadiga ee kurdiga kuwaa oo xarumo ku leh Syria isla markana la dagaalama kooxda daacish ee Syria ku sugan.
Ruushka iyo mareykanka ayaa horay u kala saxiixday hashiis ah in duqeymaha Syria la hakiyo waxaana how-galkan uu imanayaa xili hashiiskaa la sheegay inuu dhaqan galayo.

