Boqorka Sucuudiga oo Arinta Syria kala Hadlay Madaxweynaha Ruushka

0

kulan saacado qaatay ayey qadka taleefanka kuwada qaateyn boqorka dalka sucuudiga boqor salmaan bin c/caziiz iyo madaxweynaha ruushka faladamer butin kulanka ayey diirada ku saareyn xaalada dalka Syria iyo go’aaankii ay wada gaareyn mareykanka iyo ruushka oo ahaa joojinta duqeymaha Syria.

boqorka dalka sucuudiga ayaa inta kulanka socday madaxweynaha ruushka ku amaaanay go’aankii ahaa in ruushka uu joojiyo duqeymaha dhanka cirka ee uu la bar-tilmaameydsado kooxaha kasoo horjeeda madaxweynaha Syria.

labada dhinac ayaa isku af gartay in xal siyaasadeed loo wajaho arinta Syria la iskuna dayo in dhinacyada isku haya la iskugi keeno miiska wada hadalka.

Ruushka ayaa is garab taag u muujiyey madaxweyne bishaar al-asad kadib markii ay ku bilowdeyn dagaalo la doonayey in xukunka looga tuuro waxa uuna ruushka duqeymo an kala sooc lahayn ka geystay goobo mucaaradka ku xooganaayeen taa oo ugu danbeyntii sababtay in mucaaradka lagala wareego gobahaasi

dhowr jeer oo hore waxaa baaqday kulamo la doonayey in heshiis lagu kala dhexdhigo dhinacyada syria

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here