Inta la Xaqiijiyey 4-ruux oo 3-ka mid ah ay ahaayeen isku qoys ayaa ku geeriyooday tira kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib Markii duhurnimadii Maanta ay tira Madaafiic ahi oo aan la ogeyn halka sida rasmiga ah uga imaanayeen ay ku dhaceen Xaafado ka Mid ah degmooyinka Warta nabadda iyo Howlwadagaag ee Gobolka Banaadir.
3-da qof ee isku qoyska ahaa ayaa geeriyooday kadib Markii uu mid kamid ah Madaafiicda dhacaysay uu kula dhacay hoygooda oo ku yaalla Xaafadda Shanta geed ee Degmada Howl-wadaag waxaana ay kala ahaayeen 2–caruur ah oo qaraabo ahaa iyo Waliba ayeydood oo la sheegay in ay iyadu korineysay Caruurta halkaa ku dhintay,Waxaana sidoo kale isla goobtaas ku dhaawacmay hooyadii dhashay Mid ka mid ah Caruurta iyo Waliba saygeeda,waxaana iyagoo dhaawac ah loola cararay Isbitaalada ku yaalla Magaalada Muqdisho si halkaa Xaaladdooda Caafimaad loogu dabiibo.
Dhinaca kale Madfac isna ku dhacay Degmada Warta nabadda gaar ahaan agagaarka Schoolka 15-May ayaa waxaa ku dhintay Macalin dugsi Caan ka ahaa Xaafaddaas oo lagu Magacaabijiray Macallin aadan,Waloow aan la sheegin cid kale oo halkaa wax ku noqotay.
Mid ka mid ah dadka dariska la ahaa Qoyska Maanta Musiibadu ay ku haleeshay Degmada Howlwadaag gaar ahaan Xaafadda Shanta geed oo la hadashay Radio Simba Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixisay sida ay wax u dhaceen iyo Wixii ay arkaysay.
Dhawr mar ayaa degmooyinka Howlwadaag iyo Warta nabadda oo daris la ah Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya oo ku taalla Degmada Warta-nabadda waxaa lagu garaacay Madaafiic geysatay qasaare kala duwan taasi oo laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya ay sheegeen in laga soo tuuro qeybo ka mid ah isla Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir,dhawaan ayey ahayd markii sidan oo kale Madaafiic lagu garaacay Xaafado ka mid ah degmooyinkaas waxaana Ciidanka nabad-sugidda iyo kuwa boolisku ay sheegeen in lagasoo tuuray Xaafadda Nation-ka oo ay Ciidanku sheegeen in ay ku qabteen dad ay sheegeen in ay masuul ka ahaayeen Madaafiicda lagu weeraray Xaafadaha degmooyinkaasi.

