Xiriirka dalka ingiriiska ee FA-ga ayaa cadeeyay in macalinkii Hore ee Kooxda Chelsea Jose Mourinho ay la rabaan in uu Noqdo macalinka xulka dalka Ingiriiska.
Macalinka reer Portugal Jose Morinho ayaa wali shaqo qabanin kadib markii laga ceyriyay shaqada kooxda Chelsea ee galbeedka Magaalada London ee dalka Ingiriiska oo waqtigaas uu ku bilowday waayo aan fiicneen.
Dhanka kale waxaa la aaminsan yahay macalinka haatan haya shaqada xulka dalka Ingiriiska Roy Hodgson in uu ka Tagi doono shaqada markii uu dhamaado heshiiskiisa kadib ciyaaraha uero 2016 oo lagu qaban doono dalka France.

