Waxaa magaalada addis ababa, ee xarunta dalka Ethopia lagu soo gaba-gabeeyay shir loogu hadlaayay sidii loo taageeri lahaa loona tayeen lahaa ciidamada Midowga Africa amisom ee ku sugan soomaliya iyo ciidamada dowlada soomaliya.
Shirka waxaa ka qeyb galay Madax iyo Ambassadoryo ka socday wadamada caalamka sida Canada, china, denmark, eu, france, germany, india, italy, japan, kuwait, qatar, russia, saudi arabia, spain, sweden, turkey, united kingdom, united arab emirates iyo u.s. kuwaasi oo dowlada soomaliya iyo Taliska amisom ka Taageera la dhanka qalabka iyo lacagaha ay qaataan.
Madaxdii shirka ka qeyb gashay ayaa isku raacay n la garab istaago Ciidamada amisom ee ku sugan Soomaliya iyo ciidamada dowlada soomaliya kuwaasi oo dagaal kula jira xarakada al-shabaab oo fariimo ku leh qaar kamid Gobolada dalka soomaliya.
Sidoo kale shirka waxaa lagu soo hadal qaaday hadii ciidamada amisom iyo kuwa dowlada soomaliya ay gabi-ahaanba dalka ka saraan al-shabaab ay soomaliya kusoo laaban doono xisiloonidii ka jirtay sanado ka hor.

