Ala ha u naxariistee Waxaa Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose ku geeriyooday Caaqil Cumar Cali Cilmi (Macalin Cumar Feen) oo Ururkii SYL Wakiil uga ahaa Gobolada Jubbooyinka ee Koonfurta dalka soomaliya.
Caaqil Cumar Cali Cilmi (Macalin Cumar Feen) oo ku geeriyooday da’da 109-sano jirka ayaa waxa uu kamid ahaa dhalinyaradii Gobolada Jubbooyinka ee u ololeyneysay Kacdoonkii gobonimo-doonka Hanoolaato, xilligii Gobolada Koonfureed Somaliya uu ka jiray Gumeysigii Talyaaniga.
Waxa la sheegay in uu ahaa Caaqil Cumar Cali Cilmi (Macalin Cumar Feen) mid aad ugu wanaagsanaa Cilmiga diiniga, iyadoo uu aflaxiyay boqolaal xer ah, oo haatan kamid ah culimada ugu waa weyn Gudaha soomaliya.

