
Hogaamiyaha xisbiga CORD Raila Odinga, oo shir Jaraaid ku qabtay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa dowlada Kenya ku eedeeyay in ay ku guuldareystay tayeenta ciidamada Kenya ee ku sugan Gudaha Soomaliya.
Raisulwasaarihii Hore ee Kenya haatana ah Hogaamiyaha xisbiga CORD Raila Odinga waxa uu sheegay in dowlada Kenya ay sidoo kale ku guuldareysatay in qalab wanaagsan ay ku dagaalamaan ay siiso ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaliya kuwaasi oo dagaal kula jiro xarakada al-shabaab.
Mudane Raila Odinga waxa uu tusaale usoo qaatay weerarkii 15-Junuary ka dhacay deegaanka Ceel-cadde ee Gobolka gedo kaasi oo lagu laayay qaar kamid askar ciidamada Kenya waxa uu sheegay Hogaamiyaha xisbiga CORD Raila Odinga in hub la’aan iyo tayo la’aan awgeed ay taasi u dhacday. dowlada kenya ay qaadan doonto mas’uuliyada.
Dhanka kale Hogaamiyaha xisbiga CORD Raila Odinga waxa uu ugu baaqay dowlada kenya hadii aysan tayeyn Karin ciidamada Kenya ee soomaliya ku sugan in ay kala soo baxdo si ay aysan jab kale usoo gaarin ciidamada.
