Ciidamo ka Tirsan kuwa Hay’ada Nabad iyo sirdoonka qaranka dowlada soomaliya ayaa habeenkii xalay ahaa iyo ilaa saakay Howlgal amniga lagu xaqiijinaayay ka sameeyay qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir
Degmooyinka Yaaqshid iyo waabari ee Gobolka Banaadir ayay ciidamada Nabad sugida dowlada soomaliya ay xalay ka sameeyeen Howlgalka kaasi oo lagu soo qab-qabtay dhalinyaro aad u fara badan oo lagu tuhmaayo in ay xiriir la leeyihiin xarakada al-shabaab.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, C/fitaax cumar Xalane oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay howlgalada inay yihiin kuwa ammaanka caasimada Muqdisho lagu xaqiijinaayo, sidoo kalena lagu raadinaayo Shabaabka dadka ku dhex dhuumaaleysanaayo.
Dhanka kale Ciidamada Nabad sugida ayaa la sheegay in ay gacanta ku dhigeen inta Howlgalka uu socday 250 ruux, kuwaasi oo 22 qof oo kamid ah lagu qabtay iyagoo sameynaya lacagta dollarka Mareykanka oo been abuur ah, halka 21 ka kale lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.
Maalmihii lasoo dhaafay ciidamada Nabad sugida ayaa Howlgalo amaanka Lagu xaqiijinayay ka sameeyay qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.

