Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Gobolka jubada Hoose ayaa ku waramaya in Maamulka Juba-land uu deeganadiisa kasoo masaafuyiyay Nabadoon iyo suldaan kamid ahaa dadka deegaanka.
Suldaan C/casiis Cumar Daad (Beyle), oo kamid ah nabadoona Gobolka Jubada Hoose isla markaana laga masaafuriyay magaalada Kismaayo ayaa ku eedeeeyay Madaxweynaha Maamulka Juba-land axmed Maxamed Islaam( axmed Madoobe) in uu lahaa amarka ah in lagasoo Masaafuriyo Magaalada Kismaayo.
Waxa uu sidoo kale ku eedeeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Jubbaland, Maxamed Warsame Faarax (Darwiish). In uu Mas’uul ka ahaa in xabsiga la dhigo isaga iyo Nabadoon kale kadib markii Hoy ay ka dagnaayeen Magaalada kismaayo ay yimaadeen Ciidamada ka Tirsan kuwa ilaada Maamulka Juba-land.
Nabadoonka iyo suldaanka ayaa lagu soo daray diyaarada usoo socotay Magaalada Muqdisho iyagoo lagu wargaliyay in aysan dib ugu soo laaban karin magaalada Kismaayo wallow ay haatan ku sugan Yihiin Magaalada Muqdisho.
Suldaan C/casiis Cumar Daad (Beyle), waxa uu sababeeyay masaafurinta Magaalada Kismaayo in ay tahay sidee wax ugu sheegi kartaan Maamulka Juba-land oo ka arimiya Magaalada Kismaayo ee Gobolka Juba-Hoose.
Maamulka jub-land ayaa horey sidaan oo kale u sameeyay kadib markii siyaasiyiin kasoo jeeda Gobolada Jubooyinka iyo Gedo ay ku eedeeyeen in ay yihiin kuwa kasoo horjeeda Maamulka Juba-land.

